Madaxweyne farmaajo Iyo C/wali gaas oo qadka Telfoonka Ku Wada-hadlay iyo Qatar oo Gaas Malaayiin doolar Rabto ineey ku qanciso!!

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo ku sugan Magaalada Doxa ee dalka Qatar ayaa lagu qancinayaa Qorshe-yaal dhoowr ah oo  la doonaayo in lagusoo gacan galiyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda oo la Safan Imaaraat-ka Carabta.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya ayaa lagusoo Waramayaa in uu qadka Telfoonka Kulasoo Hadlay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali gaas Islamarkaana uu u sheegay in Dowlada Qatar u ogashahay Malaayiin doolar  si uu Xariirka Imaaraat-ka kala dhaxeeyo uu u Gaabiyo.

Xogta ay Heshay Muqdisho Online ayaa waxaa sidoo kale tibaaxeeysaa  in Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali gaas loo sheegay in lagu Casuumaayo Dalka Qatar hadii uu qaato Go’aanka Madaxweyne Farmaajo usoo bandhigay Dhaqalle aad u fara-badana la siinaayo.

C/wali Maxamed Cali gaas ayaa lagusoo waramayaa in uu diiday Hadalkaasi Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo islamarkaana uu ku adkeeystay Go’aankiisii Hore ee ahaa in Imaaraat-ka Carabta aysan Jirin Dowlad u dhaanta Soomaaliya oo Maamulka Puntland-na uu adkeeynaayo Xariirka kala dhaxeeyo Dubai .

Dowlada Qatar oo rabto in ay ku milanto Arimaha Siyaasadda Ee Soomaaliya ayaa ku fashil-meeysa dhowr tijaabo oo ay damacday in ay ku kala dhantaasho Hogaamiyayasha Maamul Goboleedyadda oo hadda mid ah,waxaana sidoo kale ay degayaan kooxda qiyaano qaran Qorshe Lagu kala fur-furaayo kaasi oo uu qeeyb ka yahay midka huwan Wicitaanka Madaxweyne Farmaajo ee Qadka Telfoonka ah.

Hadii Madaxweyne Farmaajo uu qaadanaayo amarka Wasiir ka tirsan xukumadda Qatar islamarkaana uu rabo in dalka la galiyo xiisad Degaanshiyo La’aan waa mid sharaf dil iyo sumcad Baa’ba ku ah Madaxweynaha Waxaana ka dambeeyo oo Maleegaayo Shaqsiyaad Qatar Dulaaliin u ah oo uu hor boodaayo fahad yaasiin Xaaji daahir.

Sababta Ugu weeyn ee dhaqaalahaasi loogu balan-qaaday Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ah in aan la dajin Siiyasadda Colaadeed ee ka taagan deegaanka Tukaraq  ee Gobolka sool,taasi oo madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisu ay u arkaan il siyaasadeed horleh oo soomaaliland laga Abaari karo.

Dadka Ildheer garadka ah ayaa aad ula yaaban falalka laga yaqyaqsado ee madaxweyne Farmaajo ku kacaayo kuwaasi oo dalka ku ridi karo Hog uusan Sahal ugasoo bixi kareeyn hadii aan hada laga Hortagin.