Madaxweyne Farmaajo Heshiis Uga Baxay  Xaaf Iyo Shiikh Maxamed Shaakir +Lacagtii oo!!

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa waxaa uu heshiis lagu dhameeyay Khilaafkii Maamulka Galmudug uga baxay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf Iyo Madaxa Xukumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xassan

Heshiiska ayaa waxaa uu ahaa mid lagu qancinaayay Labada Masuul islamarkaana gundhig u noqon lahaa Dhameeynta Heshiisyadii lagu galay Jabuuti iyo Muqdisho Ee Lagu Mideeyay Ahlusunna Iyo Galmudug

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu balanqaaday in Lacag ay dib ugu dhisaan Kaabayaasha Dhaqaallaha Iyo Adeegyadda bulshadda Maamulkaasi in uu siinaayo Madaxweyne Xaaf iyo Shiikh Maxamed Shaakir Hase’yeeshee hadalkaasi ayaa waxaa uu noqday mid afka uun ah

Mudo Labo Bil ah ayaa la Meermeerinaayay Madaxweynaha Maamulka Galmudug  Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukumadda Shiikh Naxamed Shaakir Cali Xassan iyadoo lagu qancinaayay in Bil bisha ka dambeeyso la siinaayo Lacagtaasi

Xogta ay Heshay Muqdisho Online ayaa waxaa ay sheegeeysaa in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axned Ducaalle Geelle Xaaf ka siiyay Lacag Gaareeysa 100,000$ (Boqol Kun oo Doolar) taasi oo lagu sheeegay in uu ku Kireeysto Diyaarada,waxaana looga baxay dhamaan Balanqaadyadii kale

Heshiiskii iyo Dhameeyntii Xal u helida Khaliifkii Maamulka Ahlusunna iyo Galmudug ayeey Tani dib u Celin kartaa Maadaama Waxyaabaha Lagu heshiiyay ay qeeyb ka aheed Bixinta Lacagtaasi,Waxeeyna sidoo kale Arinkaani uu Cdaeeyn u yahay in Madaxweyne Farmaajo iyo Kooxda la shaqeeysa ayna dooneeynin Xasiloonida Maamulka Galmudug