Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u magacaabay Sheekh Bashiir Salaad wadaadka ugu weyn diinta islaamka ee dalka Soomaaliya (Mufti)
Farmaajo ayaa fuliyay ballan qaad uu hore ugu sameeyay in Shiikh bashiir loo magacaabo muftiga ugu weyn ee Soomaaliya. kaasoo noqon doona Sheekh bixin kara fadwa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeer dib u dhigay magacaabidda Sheekh Bashiir isaga oo walwal ka qabay in culimada kale aay sameeyaan kacdoon ka dhan ah magacaabidda Sheekh Bashiir. Balse Sheekh Bashiir ayaa maalintii shalay ahayd si cad u taageeray go’aankii RW Xasan Kheyre iyo golahiisa Wasiirada, waana midda keentay in maanta oo Jimco ah la soo saaro digreetadii lagu magacaabay.
Culumo badan ayaa kala talisay Sheekh Bashiir in uu taageero go’aanka golaha wasiirada oo meel ka dhac aay u wada arkeen shacabka Soomaaliyeed kuwaasoo maalintii shalay ahayd ka sameeyay mudaaharaadyo waddama badan oo ka tirsan Waqooyiga Amarkia, Yurub iyo Ustaraaliya.
Sheekh Bashiir ayaa waxaa bixiya hotelka uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana la siiyaa lacag gunno ah oo gaareeysa $10 kun oo doollar bishii.
Waxaa go’aanka golaha wasiirada sidoo kale ka aamusan oo aanan weli ka hadal Sheekh Baaruud oo aad weligii u taageersanaa ururka ONLF dhaqaalana u uruurin jiray, walow uu ka mid ahaa culumada kala talisay Sheekh Bashiir in uu taageero mowqifka golaha Wasiirada.
https://youtu.be/I-9ntojvOGQ