Madaxweyne Deni oo u hambalyeey wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay

Reading Time: < 1 minute

Xukuumada iyo Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabudllaahi Deni ayaa hambalyo u diray wakiilka cusub ee xoghayaha Qaramada Midoobay u soo magacaabay Soomaaliya James Christopher Swan.

Xafiiska madaxweynaha Puntland  ayaa qoraal ka soo baxay oo loogu hambalyeeyay Mr. Swan ayaa sidoo kale lagu sheegay in xukuumadda Puntland ay ka go’antahay la shaqeynta xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM.