Madaxweyne Deni oo Nairobi ku wajahan iyo shirar muhim ah oo ka furmaya (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Wararkii ugu dambeeyey ee ay heshay MOL  ayaa sheegaya in qaar ka mida  madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya ay ku kulmayaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Xogta MOL  heshay ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu saacadaha nagu soo aadan gaari doono magaalada Nairobi, inkastoo ay wararkan ka gaabsadeen saraakiisha Madaxtooyada Puntland.

Kulankaan ayaa lafilayaa in madaxda dowlad goboleedyadu ay uga doodaan jawaabtii ay ka celin lahaayeen kulan uu ugu yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 19ka bishan, kaas oo lafilayo in looga wada hadlo arrimaha Amniga Qaranka.

20 March 2019 oo ay dhinacyada Siyaasadda Soomaalidu ku balansanayeen shir magaalada Garoowe, ayaa baaqday markii ay ka cududaaratay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana xiligaas wixii ka dambeeyey muuqday in aan waxba laga fulin wada hadaladii Garoowe ka dhacay 28 Jan oo dhexmaray Dawladda Faderaalka iyo dawlad gobaleedyada.