Madaxweyne Deni oo la filaayo in uu ku dhawaaqo golaha Wasiirada Maamulkiisa!!

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka aynu ka heleeyno Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo lagu dhawaaqo golaha wasiirada ee Maamulkaasi.

MOL ayaa loo xaqiijiyay in ay socoto qaban-qaabada ku dhawaaqista Golaha wasiirada ee Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo dhawaan lagu doortay Garoowe.

Wararka hor-dhaca ah ee aynu heleeyno ayaa sheegaya in ay suuragal tahay in ay kasoo dhex-muuqdaan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka puntland golaha wasiirada.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi deni ayaa dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay waxaa uu si aad ah ugu mashquulsanaa la tashiga waxgaradka puntland kuwaasi oo uu usoo bandhigaayay qaabka wasiirada uu rabo.

Magacaabista golaha wasiirada Maamulka Puntland ayaa ah mid si aad ah loo sugaayo islamarkaana aad ay u hadal hayaan bulshada iyo siyaasiinta