MW Deni oo ka codsaday in 2 Aqal baaraan codadka laga duubay Dowlada Qatar

Reading Time: 2 minutes

Madaxweyne Deni oo ka codsaday Labada Aqal ee dowlada Fedaraalka Aqalka Hoose iyo Goalaha Shacabka in ay baartiaan ku sameeyaan warbixinta ay qortay wargayska New Yirk Times.

Wargeeyska caanka ee New York Times ayaa cadadkiisii shalay soo baxay waxa uu ku daabacay maqaal uu uga hadlaayay cod sir ah oo laga duubay nin lataliye u ah Amiirka dalka Qatar oo lagu magacaabo Khalifa Kayed Al_Muhanadi oo la hadlaya safiirka dalka Qatar u fadhiya dalka Soomaaliya Hassan Hamza Asad Hashem. Kaas oo uu ku sheegayo in dowlada Qatar ka danbeeyso qaraxyada ka dhacay magaalada Boosaaso.

Qoraalka ay shalay soo qortay New York Times ayaa wal wal iyo cabsi hor leh galiyay shacabka Soomaaliyeed oo markii horaba tuhin ka qabay in dowlada Qatar ka danbeeyso qaraxyada iyo dilalka qorsheeysan ee ka dhaca dalka.

Waxaa shaki badan ku jiraa in labada aqal oo uu gacanta ku hayo Xasan Kheyre oo gacan saar la leh dalka Qatar isla markaana qayb ka ah qorshaha lagu qalqal galinayo amaanka Soomaaliya in ay talaabo ka qaadi doono dalka Qatar.

Dowlada Qatar ayaa dhaqaale badan ku bixisa kala furfurka siyaasiyiinta Soomaalida iyada oo isticmaalayso Fahad Yasin iyo hay’dda NISA.