Madaxweyne Deni oo gaaray Qardho!

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha maamulka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Qardho ee gobolka Bari, balse Puntland ay ka dhigtay gobolka Karkaar.

Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Garoowe ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Maamulka Gobolka  Bari iyo kan Degmada Qardho.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in sababta uu u tagay Magaalada Qardho ayaa waxaa  lagu sheegay in ay tahay in  Madaxweyne Deni uu tababar u furi doono in ka badan 500 oo askari oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa inta uu magaalada Qardho joogo, waxa uu kulamo  la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Maamulka degmada,isaga oo sidoo kale kormeer ku tegi doono Xarumo ku yaalla Magaaladaas

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!