Madaxweyne Dani oo lakulmay Gudiga joogtada golaha aqalka sare JFS

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni ayaa maanta kulan la leh Guddoomiyaha golaha Aqalka-sare iyo guddiga joogtada Aqalka sare baarlamaanka Dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa la filayaa in looga hadlo xaaladihii u dambeeyay ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka oo muran badan ka taaganyahay.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa maalintii saddexaad ku sugan Muqdisho, welina ma furmin wada-hadalladii ay u tageen ee ay la yeelan lahaayeen madaxweyne Farmaajo.