Madaxweyne Dani & Amb Donald Yamamoto ayaa yeeshay kulan iyagoo kawada hadlay arrimo xasaasi ah

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowlada Puntland mudane Saciid Abdullahi Dani ayaa qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador  Donald Yamamoto ,

Inta uu socday kulanka labada dhinac waxaa lagu laga furay Arrimaha siyaasada Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan Puntland  ,

Sido kale waxaa ay isla soo qadeen sida xal loogu heli karo khilaafka Dowlada Fadaralka Soomaaliya & Dowlad Goboleedyada,

Labadaan dhinac waxaay isla qireen in muhiim ay tahay xal laga gaaro khilaafka jira isla markaana garoowshiyo laga bixiyo sido kale in laqabto kulan udhaxeeya Dowlada Fadaraalka & Dowlad Goboleedyada si looga hishiiyo Arrimaha lagu muran Sanyahay.

Kulanka Madaxweyne Dani iyo Donald Yamamoto wuxuu kusoo dhamaaday jawi isfahan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!