Madaxweyne Cagjar oo Fariin u diray Xisbiga Talada Dalka Ethiopia  Haaya!

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha  Somali state  ee hoostaga ethopia Mustafe Maxamed Cagjar ayaa waxaa uu dawlada federalka ee ethopia ka codsaday inay maamulkiisa ka qayb geliso shirka golaha ee maamulka talada dalkaasi haya ee la magacbaxay EPDRF  .

Mustaf Cagjir  ayaa sidoo kale waxaa uu xusay in arintani maamulkiisa ay u horseedi doonto horumar iyo sidoo kale inay helaan isku filnaasho, maadaama ay hadda ka soo kabsanayaan rabshado colaadeed, taas oo ka dhaxleen maamulkii hore ee uu hogaaminayay Cabdi Maxamed cumar oo haatan ku xiran xabsi loona haysto dacwado la xiriiro rabshado dhaliyay in ay ku nafwaayaan boqolaal Somali ah .

Mustafe Maxamed cagjar madaxwaynaha maamulka Somali state ayaa sidoo kale sheegay inuu rajo wayn ka qabo in xubno badan ay ku yeeshaan golaha wasiirada ee ka soo jeeda qowmiyada soomaalida ah ee degan degaanada ay maamusho ethopia