Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa saxiixay amar lagu fasaxayo boqolaal katirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka in dib loogu celiyo dalka Somaliya sida uu qoray wargeyska New York Times.
Ku dhawaad 700 oo askari oo Mareykan ah ayaa laga saaray Somaliya dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay ee xilliga Donald Trump ee Janaayo 2021.
Amarkan ayaa soobaxay saacado kaddib markii doorashada looga Adkaaday mohamed Abdullahi Farmaajo.