Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Saxaafada la hadlay markii ugu horaysay kadib Doorashadii 22 Ogoosto 2019 lagu qabtay Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweynahu wuxuu ka hadlay Doorashadii Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee dhawaan Jubbaland ka dhacday Khilaafka Dowlada Federaalka ah iyo Jubbaland iyo xariga wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan waxaa kale oo Madaxweynahu uu ka hadlay Arimaha ammaanka dalka iyo Doorashooyinka 2021.
Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay dadweynaha ree Jubbaland sida ay ugu dulqaateen wakhtiyadii adkaa ee Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay socdeen isagoo sidoo kale ku amaanay Hay’adaha amaanka iyo Sarakiishooda sida ay uga soo dhalaaleen shaqadooda sugida nabadgalyada.
Waxaa uu Madaxda Dowladda Soomaaliya uu ku eedeeyay inay burburisay nidaamyadii ay horay u sameysay dowladii ka horeysay,sida Amniga,dhismaha Ciidamada,sidoo kale dowladda hadda jirta ay wado burburintaFederaalka,cunaqabareyn Dhaqaale iyo in rajadii dowladnimada laga qabay lagu hungoobay.
Ugu dambeyn Axmed Madoobe wuxuu sheegay in jawaabta midan xigta ay noqon doonto mid ka badalan marxalada hada la joogo hadii Madaxda Dowlada Federaalku ayna wax ka badalin wadada ay ku socdaan.