Madaxweyne Axmed Madoobe oo magacaabay Gudoomiye Gobolka!!

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha mamaulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Gelinkii dambe ee Maanta oo Axad ah u Magacaabay Gudoomiye cusub Gobolka Jubada Dhexe.

Inta badan Degmooyinka Gobolka Jubada Dhexe waxaa maamulo Al-Shabaab, waxaana soconaya dhaq-dhaqaaq Ciidan oo ay wadaan Ciidamada Dowladda, kuwa Jubbaland iyo AMISOM oo ay ku doonayaan in ay ka saaraan Gacanta Al-Shabaab.

Wareegtada Magacaabista ah ee kasoo baxday madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Jubada Dhexe Haajir Bile Sugaal lagu faray in dajiyo qorshihii Al-Shabaab looga saari lahaa Gobolka.

Gudoomiyaha ayaa kusii shaqeyn doono Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose, maadaama Gobolka Jubada Dhexe ee loo Magacaabay ay heystaan Al-Shabaab.

Horraanta Bisha Janaayo sanadka cusub 2019-ka ayuu sheegay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe in dhaq-dhaqaaqyada Ciidan ee socda lagu tagi doono Deegaanno dhowr ah oo gacantooda ka maqan.

Hogaaminaha Jubbaland ayaa kormeer ku tagay Xeryaha Ciidamada Jubada Hoose, saraakiisha Ciidamada Soomaalida iyo AMISOM waxa uu kala hadlay sidii looga miro dhalin lahaa Duulaankooda.

Axmed Maxamed Islaama Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa maanta sidoo kale la kulmay Saraakiisha Ciidamada Nabadsugidda Jubbaland oo uu kala hadlay in ay isku diyaariyaan ku shaqeynta Deegaanada ay qorsheynayaan in ay ka qabsadaan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan ka aqriso Wareegtada Magacaabista Gudomiyaha Cusub ee Jubada Dhexe.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!