Madaxweyne Axmad Ducaale Xeef oo horay u sheegay in uusan u safri karin magaaladda Neyroobi ee dalka Kenya sababo la xiriira doorashada lagu qabanayo degaanka Galmudug ayaa hadda go’aansaday in uu safro. Neyroobi ayaa waxa haatan ku sugan Madaxdii Dowlad Goboleedyadda oo uu halkaas shir qaasa uga socda.
Ilo ku dhow Madaxweyne Xeef ayaa u sheegay MOL in doorashadii Gudomiyaha Baarlamaanka dib loo dhigay mudo hal asbuuc ah sidaas darteedna uu hada haysto waqti uu ku safro.