Madaxweyne Axmad Madoobe oo mar kale loo doortay hogaanka Jubbaland

Reading Time: < 1 minute

Waxaa hadda la soo gabagabeeyay doorashadii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland. Waxaana ku gulaystay Madaxweyne Axmad Maxamed Islam (Axmad Madoobe) isaga oo helay cod 56 halka Canab Maxamed ay heshay 17 cod iyo Maxamed Kuulow oo helay hal cod.

Waa markii ugu horeeysay taariikhda kooban ee Fedaraalka in madaxweyne Dowlad Goboleed dib loo soo doorto, gaar ahaan iyada oo dowlada Fedaraalka ee Muqdisho ka soo horjeedo doorashadaas isla markaana ay wadato musharaxiin iyadu ay lacag iyo dhaqaale ku bixisay.

Doorashada Madaxweyne Axmad Madoobe ayaa aad looga soo dhaweeyay dhamaan degaanada Jubbaland iyo Jaaliyada reer Jubbaland ee ku dhaqan qurbaha.