Madaxweyne Axmad Madoobe oo maanta Garowe tagayo

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta safar aan la sii shaacin ku imaanaya caasimadda Puntland ee Garoowe. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kulamo ku saabsan Arrimaha doorashooyinka Garoowe kula yeelanaya Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Labada mas’uul ayaa lagu wadaa in ay si gaar ah uga wada-hadlaan doorashada xildhibaannada Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Doorashada Golaha shacabka ayaa la qorsheeyay in ay dhowaan ka bilaabato dhammaan Dowlad Goboleedyada dalka sida ku cad jadwalka ay soo saareen Guddiga Doorashada heer Federaal.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!