Warar hoose oo Muqdisho Online aay heleen ayaa sheegaya in Maamul Goboleedyada ay dhowaan u yeeri doonaan Xildhibaanada Federaalka ee lagasoo doortay Deegaanadooda.
Maamul Goboleedyadu waxay ku amri doonaan Xildhibaanada Federaalka iney kusoo xeroodaan Caasimadaha Maamul Goboleedyada, Xildhibaankii sabab la’aan u maqnaadana uu khatar u gali doono inuu kursigiisa waayo.
Wararka Muqdisho Online aay heleyso waxay sheegayaan in Xildhibaanada loogu yeerayo wada tashi ku aadan Go’aanka ay Dowlada Federaalku ka qaadatay Khilaafka Khaliijka.
Maamul Goboleedyadu waxay hada qorsheynayaan in aay ku kulmaan magaalada Garoowe oo ay kulankoodaas ugu tashadaan, Sida aan warka ku heyno Madaxda Dowlad Goboleedyada waxay wadatashigaas dhexdooda ah kadib ay la kulmi doonaan Xildhibaanadooda Federaalka oo ay kala hadli doonaan wixii kasoo baxa kulanka Madaxweynayaash,
Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya ayaa wada aaminsan in Villa Soomaaliya ay ku qaldantay go’aan ka qaadatay Khilaafka Wadamada Carabta ka dhex aloosan, go’aankeeduna uu ahaa go’aan shakhsi u daneynaya oo aanu ahayn go’aan aay dan ugu jirto maslaxadda dalka iyo dadka Soomaaliyeed