Madaxweynayaasha M/goboleedyadda oo Adis Ababa Tagaya(SABABTA)

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa ku wajahan magaalada Adis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Illo ku dhow madaxtooyada Hirshabeelle,ayaa inoo sheegay in Wafdiga madaxweyne oo maalmaha soo socda u ambabaxaya Itoobiya ay Adis-ababa kulla kulmi doonaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Itoobiya oo uu ka mid yahay Ra’iisal wasaaraha Aby Ahmed,waxayna kala hadli doonaan sidii maalgashi loogu sameyn lahaa DEkadaha Hirshabeelle.

Sidoo kale,madaxweyne Waare ayaa inta uu ku sugan yahay Itoobiya wuxuu wada hadal la yeelan doonaan ganacsato iyo dad maalqabeeno ah oo uu ka dhaa dhicinayo sidii deegaanada Hirshabeelle maalgelin loogu sameynsan lahaa.

Dhawaan ayaa Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya waxay ku heshiiyeen iskaashi dhinacyo badan ah sida Amniga,dhaqaalaha iyo maalgashig,oo Itoobiya la siiyay afar ka mid ah Dekadaha Soomaaliya oo ay saami ku yeelan doonto.