Reading Time: 2 minutes
MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
176 days
03 hours
56 minutes
54 seconds

Madaxeynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Puntland, Jubbalnad, Koofur Galbeed iyo Hir-Shabeelle ayaa kulan qado ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb oo ay u joogaan ka qaybgalka shirka heer Dowlad Goboleed.

Madaxda oo guryo kala fog la kala dajiyay ayaa salaadii Jimco kadib waxa ay isugu tageen xarun loo diyaariyay in ay si wadajir ah ugu wada qadeeyaan, una yeeshaan kulan gaar ah oo hordhac u ah fadhigooda berri.

Dib u dhac ayaa ku timid in uu maanta furmo shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada isugu tagay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, waxaana socda kulamo gaar gaar ah oo leeyihiin hoggaamiyaasha.

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa kulan maanta ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb, iyaga oo ka arrinsaday xiliga uu furmayo shirkooda, waxa ay isla garteen in berri oo Sabti ah ku beegan 11-ka July uu si rasmi ah u qabsoomo, maantana ay nastaan.

Ajendayaal dhowr ah ayaa miiska saaran, waxaana ugu weyn Doorashada dalka 2020/21 oo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada qaarkood dhaliilsan qorshaha DFS ay ku wajaheyso Doorashada Dalka, maadaama muddo xileedkeeda gaba-gabo yahay.

Dowlad Gobaleedyada Dalka

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Galmudug qado sharaf ugu sameeyey madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Dalka.Kulanka ayaa ahaa mid gogol xaar u ah shirka wadatashiga Dowladaha xubnaha ka ah DFS oo beri si rasmi ah uga furmaya caasimadda GM ee Dhuusamareeb

Gepostet von Mustaqbal TV am Freitag, 10. Juli 2020