Madaxweynaha Suudaan oo wali lagu cadaadinaayo in uu iscasilo

Reading Time: < 1 minute

Qaar ka mid ah Macalimiinta Jaamacaddaha ugu waa weyn dalka Suudaan ayaa maanta Shaaciyay in ay ku biireen Banaabaxyadda ka socda dalkaasi ee looga horjeedo Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Macalimiinta waxa ay sheegeen in Magaalada Khartum ay ka sameyn doonaan Banaanbaxyo waa weyn, Maadaama Nolosha dadka ay ciriiri gashay bilihii ugu dambeeyay.

Qorshahahan ayaa kusoo  beegmaya xilli dowladda Suudaan ay amar ku bixisay inay xabsiga kasoo sii deyneyso dadkii la xiray ee ka qeyb qaadanayay dibadbaxa lagu codsanayay inuu iscasilo madaxweyne Al Bashiir.

Baryaasha jaamacadaha dalka Suudaan waxay sidoo kale daabaceen dokumenti ay ku codsanayaan inuu xilka ka dego Al Bashiir.

Dadka u doodo xuquuqul insaanka waxay sheegeen in ka badan kun qof in xabsiga loo taxaabay tan iyo markii dibadbaxyada ka bilaawdeen Suudaan.