Madaxweynaha Sudan oo Shaqadii Ka ceyriyay Wasiirkii Arimaha dibadda

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dalka Sudan  Omer Al-Bashir ayaa booskiisa ka ceyriyay wasiirkii arimaha dibadda dalkaas, sidaa waxaa lagu sheegay war lagu dabaacay wakaalada WARARKA Sudan ee SUNA.

“Madaxweynaha Sudan waxaa uu booskii ka bixiyay wasiirkii arimaha dibads Ibrahim Ghandiur  ,” ayaa lagu daabacay wakaaladda SUNA.

Laakiin, arinta yaabka leh ayaa ah ineysan jirin wax sabab ah oo uu madaxweynuhu u adeegsaday xilka qaadistaas wasiirka lagu sameeyay.

Warbixin ay wasaarada Arimaha dibadda kusoo bandhigtay kulankii Baarlamaanka Sudan talaadadii lasoo dhaafay ayaa uu wasiir  Ghandour ku sheegay  in wasaaraddiisu ay haystaan dhibaatooyin dhaqaale oo qoto dheer, isaga oo intaa ku daray in aanay awoodin in ay bixiyaan mushaarka wakiillada dibloomaasiyiinta ah ee dibadda toddobii bilood ee la soo dhaafay.

Bishii Janaayo, warbaahinta ayaa sheegatay in wasiirka arrimaha dibedda uu iska casilay xilkiisa, hase yeeshee xukuumadda ayaa beenisay wararka sheegaya.

Grandeur waxaa loo magacaabay wasaarada arrimaha dibedda sannadkii 2015, ka dib doorashadii madaxweynenimada ee Al-Bashiir taas oo ku eg ilaa 2020.