Madaxweynaha Somaliland oo u dhoofay dalka Itoobiya

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka u dhoofay waddanka Ethiopia.

Madaxweyne Biixi ayaa sida la xaqiijiyay marti-qaad rasmiya ka helay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

Labada mas’uul ayaa lagu wadaa in ay Addis Ababa ku yeeshaan wada-hadallo ku saabsan xoojinta xiriirka iskaashi ee Somaliland iyo Ethiopia.

Dhinaca kale Madaxtooyada Somaliland weli kama hadlin safarka Madaxweyne Muuse Biixi uu ugu dhoofay dalka Ethiopia.