Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa saaka safar shaqo ugu amba-baxay waddanka Jabuuti.
War ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in safarkaas uu qaadan doono maalmo, balse lama faahfaahin waxay ka wada-hadlayaan labada dhinac.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha waxaa safarka ku weheliyay xubno ka tirsan xukuumaddiisa, oo ay ku jiraan wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha gudaha, Warfaafinta iyo Ganacsiga.