Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer ku tegay mashaariicda dhulka lagu beerayo ee ka socota banka weyn ee Wajaale, kuwaas oo ay gacanta ku hayaan wasaaradda Horumarinta beeraha iyo ciidamada kala duwan ee qalabka sidaa ay gacanta ku hayaan.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan wasiirrada wasaaradaha gaashaandhigga, Horumarinta Beeraha, maamulka gobolka gobolka Gabiley iyo degmada Wajaale, ayaa saaka soo indho-indheeyey mashaariicda lagu beerayo banka Wajaale oo si fiican u midho dhalay, islamarkaana ay nimcada roobku si laxaad leh u soo saartay.
Xubno kamid ah saraakiisha ciidamada kala duwan ee qaranka oo gacanta ku haya mashaariicda ay banka lagu beerayo ee halkaas ka socda, ayaa ka xog warramay dedaalka ay ciidan ahaan ugu jiraan inay soo saaraan cunto ay ciidan ahaan manaafacaadsadaan, islamarkaana ay bulshada qaybaheeda kala duwan uga faa’iideeyaan.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey ayaa yiri “Tacabka waad ku mahadsan tihiin, dedaalkana inaynu sii kordhinno uun baa wanaagsan, waana bilow, adduunyadana nin aan cunto haysannin uun baa faqri ah, cunto dibad ka timaaddana la iskuma hallayn karo, intii dedaalkeenna ah in dadka la baro wax soo saarka, aad iyo aadna waynnu ugu dedaalli doonnaa, banka Wajaalena waxan filayaa haddii Ilaahay roobkaa inoogu wado inuu Somaliland-ba cunto ugu filnaan doono.”