Madaxweynaha Shiinaha oo digniin culus ka soosaaray faafitaanka xawaaraha badan ee Fayraska Corona

Reading Time: < 1 minute

Xi Jinping madaxweynaha Shiinaha ayaa ka digay faafitaanka xawaaraha sare ku socda e Fayraska dilaaga ah ee Corona oo illaa hadda sababay geerida 40 qof, Xi oo hadal ka jeediyey xafladda xuska sanadka cusub ee Shiinaha ayaa sheegay in waddanku wajahayo xaalad adag oo kadhalatay Fayraska Corona.

Fayraska Corona ayaa sababay geerida 41 qof, waxaana la ildaran 1300 oo qof laga soo billaabo markiii qubarada caafimaadku dabool qaadday Fayraska lagana helay magaalada Wuhan ee waddanka Shiinaha oo ah magaalo caan ku ah ganacsiga.

 

Hay’adaha iyo madaxda caafimaadka ee Shiinaha ayaa la halgamaya xakameynta faafidda Fayraska iyada oo malaayiin qof oo u dhalatay Shiinuhu ay isu diyaarinayaan dabbaal-degga xuska sanadka cusub ee Shiinaha.

Maamulka Caafimaadka iyo Faya-dhowrka Shiinaha ayaa qaaday tallaabooyin adag oo lagu hor joogsanayo fidista Fayraska Corona, waxaana shuruud adag lagu soo rogay magaalooyinka Fayraska wax yeeleeyey.

Laga billaabo maanta oo Axad ahna maamulka caafimaadka ee dalweynaha Shiinuhu waxa uu xayiraad kusoo rogay safarka iyo scodaalka gaadiidka gelaya magaalada Wuhan ee gobolka bartahama Shiiinaha ee Hubei oo ah halka uu ka billowday Fayrasku.

Wargeyska Shacabka oo kasoo baxa Shiinaha ayaa daabacay in Isbitaal weyn oo labaad oo loogu talagalay la tacaalidda xaaladaha degdegga ah lagu dhisayo 2 todobaad kaas oo loo qorsheeyey in lagu daweeyo 1300 oo qof oo la ildaran xannuunka Fayraska Corona.

Magaalada Wuhan ee xarunta gobolka Hubei oo ah halka uu ka dillaacay kuna fidayo Fayrasku waxa ku dhaqan dad ka badan 11 Milyan oo qof, sidaas awgeed maamulka caafimaadka Shiinuhu waxa uu xoogga saarayaa in aan Fayrasku helin fursad uu ku fido.

Ilaha: BBC, South China Monitoring Post & Aljazeera

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!