Madaxweynaha Puntland oo qaabilsay wafdi ka socda Hay’adda WHO

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Masuulka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO u qaabilsan Soomaaliya Dr Mamunur Rahman Malik.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta Puntland iyo Hay’adda WHO, dadaalka ka hortagga iyo xakameynta Caabuqa Covid-19 iyo dhiirgelinta tallaalkiisa oo dhawaan laga bilaabay degaannada Puntland.

Xubnaha Wafdiga ka socda Masuulka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO u qaabilsan Soomaaliya Dr Mamunur Rahman Malik ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in ay dhawaan tagaan degaannada kale ee dowlad Goboleedyada.