Madaxweynaha Puntland oo cafis Madaxweyne u fidiyay maxaabiis

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo booqasho ku jooga magaalada Boosaaso ayaa cafis u fidiyay shan ruux oo dhowaan maxkamada derejada koowaad ee Puntland xabsi ku xukuntay.

Raggan la cafiyay ayuu Madaxweynaha Puntland tixgeliyay xaaladooda caafimaad iyo iyagoo dad da’ ah.

Dadkan la cafiyay ayaa waxa ay kala yihiin Muuse Cali Jaamac oo 70 jir ah, Cabdullaahi Yuusuf Buuxe oo 60 jir ah, Cawad Ceel Maxamed 70 jir ah , Cabdicasiis Baydhabo Axmed 47 jir ah iyo Maxamuud Aadan Rooble oo 60 Jir ah.

Raggan la cafiyay ayaa maxkamadda derejada kowaad ee Puntland waxa ay xukuntay 5-tii bishaan January 2020.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!