Madaxweynaha maamulka Jubaland oo Muqdisho soo gaaray

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qeybgalaya caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Imaanshaha Axmed Madoobe ayaa ka duwaneyd safaradii uu horray ugu imaan jiray Muqdisho oo ay Ciidamo fara badan oo hubeysan soo hor-mar jireen, isagoo sidoo kalen deegaan ka dhigan jiray gudaha Hotelada ku yaal Garoonka Diyaaradaha.

Waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Ilaalo dharcad oo kooban, waxaana uu degay agagaarka Madaxtooyada Villa Somalia oo muddo sanado ah aanu degin intii uu jiray mad-madowgii u dhaxeeyay Maamulka Jubbaland iyo dowladdii hore.