Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo lagu Eedeeyay in uu lacago fara-badan Lunsaday

Reading Time: < 1 minute

Qaarka mid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka hirshabeelle ayaa madaxweynaha maamulka hirshabeelle maxamed cabdi waare ku eedeeyay inuu lunsaday lacago loogu talagalay in lagu horumariyo deegaanada maamulkaasi.

Maamulka Hirshabeelle ayaa ka dhamaan la eedey maha ku aadan musuq maasuq lagu eedeeyo madaxweyne waare

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay haatan diyaarinayaan mooshin ka dhan ah maxamed cabdi waare maadamada uu lunsaday hantidii maamulka sidaas daraadeedna loo baahanyahay inla badbaadiyo jiritaanka hirshabeelle

Sidoo kale xildhibanada ayaa waxa ay sheegen kalsoonidii ay siiyeen waare inuu lumiyay sidaas daraadeedna ay kala laabteen haatan

Geesta kale waxa ay carabka ku dhufteen iney rabaan hada iney isbedel uu yimaado si hirshabeelle ay ula tartanto maamulada kale ee dalka ka jira

Sikastaba ha ahaatee madaxweynaha maamulka hirshabeelle maxamed cabdi waare ayaa caadaadis kala kulmaya xildhibaanada barlamaanka hirshabeele iyagoo sheegay iney mooshin ka diyaariyeen lamana oga halka uu ku danbeeyn doono mooshinka waare ayka diyaariyeen xildhibaanada.