Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Baraawe

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Caasimada Koonfur Galbeed ee Magaalada  Baraawe.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baraawe wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose,Duqa Caasimada Baraawe,Saraakisha Laamaha Amniga iyo qeybaha Kala duwan Bulshada.

Socdaalka Madaxweynaha ee Magaalada Baraawe ayaa ah Xaragjarka Mashaariic dhowr ah oo laga fuliyey Baraawe, Dhagax-dhiga kuwo horleh iyo Dhiiragelinta Dadka Deeganka iyo Qeybaha kala duwan Ciidamada ee u diyaar garoobey la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa inta uu ku sugan yahay baraawe ayaa la kulmi doona Mamulka degmada, Saraakiisha ciidamada xoogga dalka, kuwa ATMIS iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.