Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho lagusoo dhaweeyay

Reading Time: < 1 minute

Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe,ayaa goordhaw ka dagay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaliya.

Ujeedka Axmed Madoobe uu u yimid Magaalada Muqdisho ayaa sida la sheegay waxa ay tahay sidii loo dhameystiri lahaa Heshiiskii Xukuumadda ay la gashay Maamulka Jubbaland.

Waxaana Madaxweynaha Jubbaland uu kulan la qaadan doona Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Inta badan Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho ayaa maanta xiran,iyadoona sababta loo xiray wadooyinka lagu sheegay imaansha Madaxweynaha Jubbaland ee Muqdisho.