Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay Shirka Brussels

Reading Time: 2 minutes

Wasiirka Dastuurka ee Maamul-gobaleedka Jubbaland Dr. Aadan Ibraahim Aw-Xersi ayaa sheegay in Ergaddii Jubbaland ee uu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu dib ugu biiray Shirweynaha Caalamiga ee looga hadlayo Arrimaha Somaalia, kaasi ee ka socda caasimadda dalka Belgium ee Brussels.

Qoraal uu Wasiir Aw Xersi soo dhigtay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu Madaxweyne Axmed Madoobe dib ugu laaabtay Shirkaasi, kadib, markii ay DFS iyo Saraakiisha  Xafiiska Ururka EU-da u jooga Somalia cuddur-daar ka bixiyeen Jebintii Borotakoolka.

Dhinaca kale, Jubbaland waxay horey u sheegtay in wax laga beddelay Ajendaha Shirka iyo Qoddobadii lagu soo heshiiyey, taasina ay sababtay inay Ergadda Jubbaland ka baxaan Madasha Shirkaasi, inkastoo lagu guuleystay in laga qanciyo, kuna soo biiraan Shirkaasi oo socon doona muddo 2 maalin ah.