Madaxweynaha JFS oo maanta khudbad ka jeedin doono Golaha-Baarlamanka

Reading Time: < 1 minute

Maanta waxaa furmaya kalfadhiga afaraad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya kadib fasax ay ku maqnaayeen ْxildhibaanada dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu furo kalfadhigan oo khudbad ka jeediyo Golaha baarlamaanka.

Inta uu socdo kalfadhigan ayaa waxaa looga hadli doonaa ajanda muhiim ah oo ay ka mid yihiin wax ka bedelka dastuurka KMG ah, iyadoo sidoo kale jiraan shuruuc ay soo gudbisay dowladda federaalka.

Dhanka kale waxaa todobaadyadii la soo dhaafay soo baxayay warar ku saabsan isku dayga qaar ka mid ah Xildhibaanada oo doonaya in ay kalsoonida kala noqdaan Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Iyadoo la isku khilaafsan yahay wax-ka-beddelka dastuurka, doorka dowlad goboleedyada ay ku leeyihiin iyo arrimo kale oo siyaasadeed, shacabka ayaa sugaya go’aanka Baarlamaanka.