Madaxweynaha Jabuuti iyo R/wasaaraha Itoobiya kulankii ay yeesheen maxaa kasoo baxay!!

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Jabuuti ayaa Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ku ammaantay isbedelada la taaban karo ee uu ku soo dabaalay gudaha Itoobiya iyo guud ahaan gobolka iyo isdhex-galka Geeska Afrika.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta shir labo geesood ah ku yeeshay magaalada Adis-ababa ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan dalalka Ethiopia iyo Jabuuti iyo waliba mida gobolka.

Ka dib shirka labada hoggaamiye,Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia  Workneh Gebeyehu ayaa u sheegay wariyeyaasha in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Jabuuti ay ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labada dal iyo isdhexgalka gobolka.

Ra’isal Wasaaraha Ethiopia wuxuu sheegay in Ethiopia ay sii wadi doonto kaalinteeda ku aadan dhisida xiriir wanaagsan oo dhexmara Eritrea iyo Jabuuti iyada oo loo marayo fududeynta dhammaan hababka wanaagsan, ayuu yiri Workneh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in tan iyo markii Abiy Ahmed loo doortay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, uu ku guulaystay inuu bedelo muuqaalka siyaasadeed ee gobolka.

Maxamuud Cali Yuusuf wuxuu intaas ku daray in Abiy uu yahay runtii horyaalka geedi socodka isdhexgalka Geeska Afrika, taasi oo Jabuuti ay ku ammaantay.