Madaxweynaha Hirshabeele Waare oo aay haysato laba geeriyoodkii uu horay u saadililyay (Akhriso)

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Hirshabeele oo laga soo wariyay in aay haysato laba geeriyoodkii uu sii sheegay markii uu isku dhiibay dowladda Madaxweyne Faramaajo.

Waxyaabihii laga Ballan qaaday ee aay ka mid ahaayeen in lacagaha maamulkiisa loogu talagalay ee deew bixiyaasha ugu talagaleen oo aanan la siin., waxaa sidaa oo kale loo diiday in laga talageliyo mashruuca jidka isku xira Muqdishu iyo Jowhar.

Dowladda Federaalka ayaa deeqihii loogu talagalay in la siiyo degmooyinka Maamul goboleedyada ayaa waxaa Hirshabeele laga siiyay hal degmo keliya qoondo ahaan halka Puntland loo qoondeeyay 8 degmo, Jubaland iyo Kooful Galbeedda loo qoondeeyay 7 degmo, Galmudugna 5 degmo, waa taas laba geeriyoodkii.

Waxaa intaa dheer in 11 Wasiiradii hore ee uu xilka ka qaadayna uu cunay mushaarkoodii oo hadda Madaxweyne Waare looga yeeray Maxkamad. Sidoo kale lacagaha canshuurta ah waxba uguma qabto degaanka ee isaga iyo ku xigeenkiisa Ali Guudlaawe ayaa qaybsada waana sababta keentay in maamulka intii uu jiray aanan shacabka loo qodin hal ceel ama loo dhisin hal Iskuul iskaba daa adeegyadii aay xaqa u lahaayeen muwaadin ahaan.

Waxa laga soo wariyay in uu eedda rabo in uu dusha ka saaro RW khayre oo uu leeyahay isaga ayaa curyaaminaayo labada Maamul goboleed ee Hawiye. Hadii arrinku sidaa tahay waxaa la gudboon inta aan xilka baarlamaanka hirshabeele ka qaadin in uu dadka u naxo oo uu iscasilo.

Malaga yaabaa in dhib ka maamulkiisa lagu hayo uu ka sheego shirka Puntland la isagu imaan doono? Jawaabta waa maya sida dadka la macaamilay aay ku tilmaameen oo ah nin been badan oo aanan meel lagu aamini karin.