Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa waxaa ay goordbow gaareen Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa Garoonka Ugaas ee Magaalada Beledweyne waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Xubno katirsan labada Gole ee Hir-Shabeelle, saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Millateriga iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Ka hor inta uusan Madaxweynaha Hir-Shabeelle tegin Beledweyne ayaa waxaa la xiray inta bafan waddooyinka muhiimka ah ee Magaalada Beledweyne iyo wadada gasha Garoonka, waxaana jug la sheegay inay jirtay madaafiic lagu garaacay garoonka.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ujeedka ugu weyn ee Bedweyne u tegay waxaa ay tahay arrimo ku saabsan doorashada kuraasta halkaasi taalla iyo sidii xal looga gaari lahaa tabashada ay qabaan Reer Hiiraan.
Tan iyo markii Magaalada Jowhar lagu doortay Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa waxaa diidmo kala horyimid dadka kunool Magaalada Beledweyne, waxaana taasi ay keentay in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu dhowr jeer ka baaqdo in uu tago Magaalada Beledweyne