Madaxweynaha Galmudug oo kulan xasaasi ah la qaatay Taliska Ciidamada Booliska Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Maantay xarunta Madaxtooyada galmudug ee magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Saraakiisha Boliiska ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

kulanka ayaa mid diiradda lagu saaray xaaladaha amni  ee dowlad Goboleedka Galmudug iyo sidii loo kordhin lahaa xaqiijinta Amniga.

Kulanka ayaa waxaa  goob joog ka ahaa Taliye ku-xigeenka Booliska Galmudug Saraakiisha talisyada Booliska ee Magaalooyinka Galkacyo ,Dhuusamareeb, Cabudwaaq,Cadaado,Hobyo iyo deegaano kale.