Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf Oo Gaaray Magaalada Gaalkacyo

Reading Time: 2 minutes

Madaxweyne Xaaf Iyo Wefdiga Uu Hoggaaminayey Waxaa Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo Kusoo Dhaweeyey Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Degmada Iyo Dhammaan Qaybaha Kala Duwan ee bulshada Ku Dhaqan Gaalkacyo.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday ayaa Waxaa Qayb Ka Ahaa Mas’uuliyiin Kale Oo ka Tirsan Gal-mudug Qaybna Ka Yihiin Wasiirka War-Faafinta Iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Koobaad Ee Baarlamanka Gal-mudug Xareed Cali Xareed.

Soo Dhaweyn Ka Dib Madaxweyne Xaaaf Oo War-baahinta La hadlay Ayaa Maamulka Degmada Iyo Shacabka Reer Gaalkacyo Kaga Mahadceliyey Soo Dhaweynta Ay u Sameeyeen.

Sidoo Kale Xaaf Waxa Uu Xusay In Muddo Uu Ka Maqnaa Magaalada Gaalkacyo Kuna faraxsan Yahay In Uu hadda Dib Ugu Soo Laabto Isagoona Sheegay In Muddo kooban Oo Ku Sugnaan Doono Gudaha Magaalada Gaalkacyo Ee xarunta Gobolka Mudug.

Safarka Madaxweynaha Maamulka Gal-mudug Axmed Geelle Xaaf Uu Maanta Ku tagay Magaalada Gaalkacyo Ayaa Waxa Uu imaanayaa Xilli Uu Sii Xoogeysanayo Khilaafka Siyaasadeed Ee Ka Dhex-Aloosan Madaxda sare Ee Gal-mudug.