Madaxweynaha Dalka Kenya Oo Ka Dhawaajiyay In Ciidamada Kenya Aysan Kasoo Bixi Doonin Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Uhurru waxa uu xaqiijiyay in ciidankiisa ay sii joogayaan dalka dhibaateysan ee Somalia ilaa laga soo celinaayo nabada, degnaanshaha iyo amaanka Somalia.

Madaxweyne Uhurru ayaa waxa uu hadalkaas ka sheegay munaasabad loogu dabaal dagaayay maalinta ciidanka Kenya oo lagu qabtay xerada Kenyatta oo ku taala degmada Gilgil ee Gobolka Nakuro.

Uhurru Kenyatta, waxa uu sheegay in ciidankiisa ka hoos shaqeeya howlgalka AMISOM laga soo saari doonin Somalia, inta laga takhlusinayo Al-Shabaab.

“Anagu waxan Somalia tagnay 2011, waana sii wadi doona joogitaankeena dalkaasi ilaa si buuxda looga  soo celinayo amaanka guud ee Somalia” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.

Uhurru Kenyatta waxa uu ciidankiisa ku booriyay inay la shaqeeyan Hay’adaha kale xiliyada ay jirto masiibadaha iyo gurmadka.

Munaasabada ayaa waxaa ka hadlay Wasiirada Difaaca, Arrimaha dibadda, Ganacsiga caalamida iyo Taliyaha ciidanka.

Sidoo kale, haddalka Uhurro Kenyatta ayaa waxa uu burinayaa hadal uu horay u sheegay kaa oo ahaa in ciidankiisa kala soo baxaaya Somalia.

Haddalka Kenyatta ayaa u muuqday mid uu dowlada Mareykanka iyo Qaramada Midoobay uga doonaayay lacag uu ku furdaamiyo dalkiisa, waxa uuna dhowr jeer oo horay sheegay inay la baxayaan ciidankooda.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!