Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo Shegay In Ay Dheeratay Howlgalka Amisom& Baaqna Udiray Madaxda Dalka

Reading Time: < 1 minute

Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo wareysi siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay arimo badan oo soomaaliya quseeya.
Madaxweyne Geelle ayaa shegay in lasoafjaro howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo socday in ka badan 10 sano, waxa uu sido kale sheegay in la gaaray waqtigii ay Ciidamada Soomaaliya maamuli lahaayen Dalkooda.

“waa la gaaray waqtigii ay la wareegi lahaayeen Ciidamada Soomaaliya amaanka Dalkooda, waxaana kula talinayaa in ay dalkooda u istaagaan sidii ay u xalin lahaayeen, maxaa yeelay ma jirto awooda culus oo ka soo horjeeda ama Dowlado diyaarada wata oo ka soo horjeeda, shabaab waa ay dhamaadayn inta hartayna waa ku filan yihiin”. Ayuu Yiri madaxweyne Geelle.

Hadalka Madaxweynaha Dalka Jabuuti ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay si hordhac ah Ciidamadeda qaar ula baxday Dalka Uganda.