Madaxweyna-yaasha Maamul Goboleedyadda oo la Rabo in la Kala dilo,Qaabkee loo Rabaa??

Reading Time: < 1 minute

Axmed Madoobe,madaxweynaha Jubbaland iyo madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa la rumeysan yahay iney isku mowqif yihiin,islamarkaana ay suurta gal tahay iney hal go’aan qaataan marka loo eego shirka Golaha Amniga Qaranka ee ka furmaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah Koonfur Galbeed.

Waxayna inta badan naqdin karaan go’aanada aan u cuntamin ee ka soo baxa shirka Golaha Amniga,kaasi oo qodobada ka soo baxa lala hortagi doono shirka Amniga dalka looga hadlayo ee dhawaan ka qabsoomi doono magaalada Brussels ee dalka Belgiumka.

Sidoo kale,dadka siyaasadda u dhuun-duleela ayaa sheegaya in madaxweynayaasha Maamul Gobolleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ay yihiin kuwo siyaasadda cakiran ku furan oo ay culeys ka heystaan dhanka Dowladda Federaalka,islamarkaana anay u badneyn iney ka horyimaadaan go’aanada shirka ka soo baxa ee raali ay ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana inta badan siyaasadooda laga maamulaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Khilaaf Xooggan ayaa hadda ka dhextaagan Madaxda ugu sareys Maamulka Galmudug oo ku saleysn hanaanka Heshiiskii lagu kala saxiixday magaalooyinka Dhuusamareeb iyo magaalada DJabuuti ee dalka Jabuuti,waxaana laga yaabaa ineysan ahmiyad badan siin shirka qodobada ka soo baxa.

Madaxweyne Xaaf oo mar ka badbaaday afganbi maamul,ayaa hadda culeys ka heystaa hanaanka hagida maamulka Galmudug ka dib markii Khilaad xooggan uu kala dhaxeeyo Madaxda sare ee Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay halkaasi oo lagu wado inuu ka furmo shirka Golaha Amniga qaranka.

Beesha caalamka ayaa ka war dhowreysa waxyaabaha ka soo baxa shirka Madaxda Soomaalida ay ku yeelanayaan magaalada Baydhabo