Madaxweeyne Farmaajo oo Warmurtiyadeed Qabyo ah Kala Yimid Asmara iyo Ereteriya oo shaacin Mowqifkeeda Al-shabaab!!

Reading Time: < 1 minute

Booqashadii uu Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ku tagay Magaalada Asmara Ee Dalka Ereteriya  waxaa kasoo baxaya Su’aalo badan oo ay isweeydiinayaan Bulshadda Soomaaliyeed taasi oo ah madaxweynahu ma kala hadlay taageeradda Al-shabaab ay siiso Dowladda Ereteriya’’WAA MAYA’’AMA HAA’’

Warmurtiyadeed lasoo saaray oo lagu sheegay in Labada madaxweyne isla garteen midna ma lagusoo hadal qaadin go’aanka Ereteriya ee Kooxda Al-shabaab kaliya waxaa lagu muujiyay qodobo aan muhiimad u laheeyn Soomaaliyeed kuwaasi oo aad moodo in ay dhinac u janjeereen.

Umadda Soomaaliyeed waxaa ay aad uga dheregsan tahay in Ereteriya ay Taageerto Al-shabaab waxaana la rumeeysan yahay in Asmara ay aheed Gabaadkii Kooxdaan iyo Asalkeedii halkii ay kasoo askunmeen.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo Hadii uu gaaro Ereteriya dad badan ayaa waxaa ay qabeen rajo ah waxaa  la dhimanayaa awooda Al-shabaab Maadama labada dal isla garan doonaan in  shabaab taageerada laga daayo,hase’yeeshee ma aysan dhicin.

Socdaalkaasi Muhiimadda kaliya ee uu Soomaaliya u lahaa ayaa ah Halkaasi Qodob oo ah in Ereteriya ay cadeeyso Mowqifkeeda Al-shabaab asna lamasoo bisleeyn.