Madaxweeyne Farmaajo oo raali-Gelin ka bixiyay Dhiibistii Qalbi dhagax ka dib Kulan ka dhacay Asmara

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Asmara Ee dalka Eriteria Waxaa ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C abdullaahi Farmaajo,waxaana uu la kulmay Xubno ka Socday Jabhada ONLF Iyagoo ka wadahadlay Arrimo dhowr ah oo ay ka mid aheed raali-gellinta Jabhada.

Sida aan xogta ku heleeyno Maxamed C abdullaahi Farmaajo ayaa codsaday in lala kulansiiyo Hogaamiyayaasha  Jabhada si uu raali gelin uga bixiyo dhiibistii C/kariin sheikh muuse’’Qalbi dhagax’’

Maxamed Cumar Cusmaan  oo ah Guddoomiyaha ONLF   iyo Madaxweyne Maxamed C abdullaahi Farmaajo ayaa ku kulmay Magaalada Asmara Ee dalka Eriteria Sida uu Warbaahinta u sheegay .

Carabka ayuu ku adkeeyay  in  Farmaajo uu raali gelin ka siiyey dhiibistii Dowladda ee Qalbi-dhagax,isla markaana uu  sheegay in ay ka xumaayeen in loo gacan geliyo Itoobiya,allase suura-geliyay in dib loosii daayo.

Kolkii Dowladda Itoobiya loo Gacan geliyay C/kariin sheikh Muuse’’QALBI DHAGAX’’ waxaa ay golaha wasiirada Xukumadda soomaalia isku raaceen in ONLF ay tahay Koox Argagaxiso taasna la ajligeedna ay u dhiibeen qalbi dhagax