Madaxweeyne farmaajo oo lagu qasbay in Shirka Amnigga Qaran Laga Wareejiyo Muqdisho Laguna qabto Kismaayo

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda dalka ayaa isku raacay in shir lagu madlansanaa in lagu qabto Magaalada muqdisho loo weeciyo Magaalada Kismaayo Ee Xarunta KMG ah Ee Maamulka Jubbaland ka dib Mad-madoow soo kala dhex-galay Madaxda Sare Ee Dalka iyo Hogaamiyayasha Maamul Goboleedyadda.

Maxamed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya ayaa lagu qasbayaa in uu shirkaasi kasoo qeeyb galo islamarkaana uu u ogalaado in kismaayo lagu qabto,hadii uu ka biyo diido ayaa waxaa ay Culeeys ku noqoneeysaa Kooxda Qiyaano qaran oo markaasi isku arkeeysa in laga Guuleeystay.

Shirka lagu qabanaayo Magalada Kismaayo ayaa la damacsan yahay in lagu bahdilo Madaxweyne Farmaajo Maadaama si qasab ah looga soo qeeyb galinaayo,waxaana suuragal in loola tacaamulo si aan wanaagsaneeyn Maadama uu xumeeyay Maamul Goboleedyadda,taas ayeeyna si aad ah uga cabsi qabaan Villa Soomaaliya in ay dhacdo.

Beesha uu ka dhashay Madaxweyne Farmaajo oo degta kismaayo  ayaa sidoo kale la doonayaa in la Tuso xumaan iyo waxgarad la’aantiisa,waxaana madaxweynaha Maamulka Jubbaland uu muujin doonaa Awoodiisa Maadaama uu si qasab ah shirka kusoo wareejiyay.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!