Madaxtoyada oo Diyaarisay Saaxibo Ay Geystan Maamulada Dalka Ka Jira Iyo Weerar markan lagu Hayo MW/Xaaf

Reading Time: < 1 minute

Ilo ku dhaw Xafiiska Xukuumada Kheyre ayaa sheegaya in Xukuumada Soomaaliya ay culeys siyaasadeed saareyso Maamulka Galmudug oo uu maadxweynaha ka yahay Axmed Ducaale Geele Xaaf.

Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu diyaarinayo qorshe mar kale culeys siyaasadeed lagu saarayo madaxweynaha Galmudug.

Culeyskan Siyaasadeed aya lagaga gol leeyahay in Buuq lagu furo Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dhawaan dastuurka cusub ee Galmudug ee dhawan la saxiixay lagu qeexay in Xaaf uu afarta sano soo adan uu xilka hogamiye haynayo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa qudhiisa laga dareemayaa inuu jiro Culeys Dhanka Xukuumadda ah oo saaran,waxaana jirin xiriir wanaagsan oo hadda Xukuumadda Soomaaliya kala dhaxeeyo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sida aan xogta ku heleyno waxay sheegayaan inuu wada hadal la leeyahay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Xukuumada Xasan Cali Kheyre aya weerar xoogan iyo Fara galin ku heysa qaar ka mid ah Maamulada dalka ka jira iyado Xukumada ay Qorsheyneyso in shaqsiyad tabacsan Madaxtoyada lo dhiibo Xilkaasi.