Madaxtoyada Iyo Xukuumada oo Isku Qilaafsan Cida Noqon Lahayd Gudonka Golaha Shacabka Iyo Musharaxa kheyre oo muqda mid laga adkaday

Reading Time: < 1 minute

Waxa socda ololaha loogu jiro xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa sii xoogeysanaya tartanka loogu jiro xilka uu banneeyay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Musharaxiinta u taagan Xilka Gudonka Baarlamanka aya kala taageersan xildhibaanada Baarlamaanka iyo xafiisyada Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa taageersan Cali Maxamed Nuur Xaaji oo ay dooneyso inuu xilkan ku soo baxo, laakiin Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa taageersan Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo iska casilayu xilka Wasiirka Gaashaandhigga.

Arrintan ayaa ah aragti kala duwanaasho ka dhex jirta labada xafiis, iyadoo markii hore ay wada taageerayeen wasiirka Gaashaandhigga, basle markii danbe ay arrintaasi isbedeshay.

Waxa Socda kulamo kala duwan oo lagu gorfeynayo xaalada Doorashada iyado maamulka sare ee madatooyada ay qilaafkooda cirka isku shareeraayo.