Madaxtooyadda iyo Xukumadda oo isku raaci la’a shaqsigga ku taagaarayaan Xilka Gudoomiyaha golaha shacabka

Reading Time: < 1 minute

Madaxtooyada iyo Xukuumadda ayaa wali isku raacin cida u noqon laheyd Musharaxa ay ku taageerayaan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaa jira xubno Wasiiro ka ah Xukuumadda oo doonaya inay is sharaxaan, midkood ayaa laga yaabaa in laga xusho, kuwa kalena cadaadis lagu saaro inay ka tanaasulaan, si midka la isku raaco inuu Musharax u noqdo xoogga loo saaro.

Sidoo kale waxaa iyana jira Xildhibaano ka mid ahaa kuwii Mooshinka waday inuu damac uga jiro xilka banaan oo ay doonayaan inay isku soo sharaxaan, kuwaas waa adag tahay in cadaadis lagu saaro inay tanaasulaan, waana tan dhibka ka imaan doonto oo loolan adag lagala kulmi doono

Waxaa soo if baxaya kala qeybsanaan ka dhex bilaabatay dhinacii Mooshinka ku mideysnaa oo isku raaci la’ hal musharax oo loo midoobo, waxaana la sheegayaa dhinacyo markii hore kula daartay mooshinka oo iskood u madax banaan inay isku soo sharaxayaan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, kuwaas ayaa laga yaabaa in lagu qanci waayo inay tanaasulaan, sidaas sheekada ku noqoto xeeradii labada fandhaal u kala jabtay.

Musharaxa ay Madaxtooyada iyo Xukuumadda u midoobaan ayaa laga cabsi qabaa in WASHAMSI  lagu qaado, hadii Musharax kale oo adag ka soo horbaxo, isla markaana mucaaradka ay taageeraan.