Tan iyo markii uu qabtay Guddoonka Baarlabaanka JFS mooshinka lagu soo eedeeyay MW. Farmajo aya waxa Madaxweynaha soo food saaray culeys siyaasad oo baaxad leh, waxaana mooshinka uu ku noqday MW. Farmaajo mid uu xal la’ayahay sidii looga noqon lahaa eedeymaha loo soo jeediyay kuwaasoo uu ku muteysan karo in uu ku waayo xilkiisa, laguna maxkamadeeyo marka uu waayo xilka uu hayo.
Haddaba, ilo wareedyo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha aya MOL u xaqiijiyay in uu socdo dadaalo ay wadaan Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xeer ilaaliyaha qaranka, iyo Guddoomiyaha Maxamkamadda sare, taasoo lagu qorsheeyay in dacwado maxkamadeed lagu soo oogo xildhibaanada hormuudka ka ah mooshinka laga gudbiyay MW. Farmaajo.
Xidlhibaanada oo dhowr ah ayaa waxaa xeer ilaaliyaha uu soo gudbin doonaa dacwad ka dhan ah taasoo lagu eedaynayo xatooyo xoolo qaran, kaddibna labada kuxigeen Mahad Cawad iyo Cabdiwali Muudeey ay magacaabi doonaan guddi soo baara, taasoo qorshaha uu yahay in guddigaas ay lasoo noqdaan go’aan ah in xasaanada lagala laabtay xildhibaanada kaddibna la maxkamadeeyo.
Kiisaska xildhibaanada lagu soo eedeeyay ayaa waxaa qoray sida MOL ay xaqiijiyeen ilo wareedyada Wasiirka Dastuurka JFS Xoosh Jibriil, oo ah qareenka dadban ee MW. Farmaajo.
Lama hubo magacyada xildhibaanada la qorsheeyay in dhawaan loo gudbiyo xeer ilaaliyaha, balse waxaa xogta ay shaki ka qabtaa in uu ku jiro Gud. Baarlabaanka JFS Maxamed Mursal waxaana ay xogta sheegeysa in ay madaxtooyada hayso xog in uu musuqmaasuqay lacago badan mudadii koobneyd ee uu ahaa Wasiirka Gaashandhiga.
Falkan ayaa waxaa uu sababi doonaa in dalka uu ku yimaado burbur siyaasadeed oo baaxad weyn, kaasoo sababi doona in dib u dhac ku yimaado hannaanka dowladnimo iyo hiigsiga