Madaxtooyada oo ku degdegtay war aysan shaacin Dowlada Itoobiya iyo Fashil laga filan karo!!

Reading Time: < 1 minute

Sida uu bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdinuur Maxamed waxaa xabsiga la dhigay Col. Gebregziabher Alemseged Abraha,kaasi oo lagu garan ogyahay Janaraal gabre.

Taleefishinka ESAT ee dalka Itoobiya ayaa shalay baahiyey in Gebre laga qabtay oo lagu xiray duleedka magaalada caasimadda ee dalka Ethiopia,taleefishinka ayaa baahiyey, Gebre ayaa loo haystaa eedeymo ay ka mid yihiin inuu ku lug lahaa rabshado ka dhacay gobolka Soomaalida Itoobiya iyo inuu hub ka iibiyey kooxo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

weli si rasmi ah uma xaqiijin warkan Dowladda Ethiopia. Sidoo kale,Su’aal ayaa la iskaweydiinayaa soo dhaweeynta Madaxtooyadda ee Xarigga Gabre.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!